Ticker

6/recent/ticker-posts

The KILLING OF JOURNALIST ALI IMAN SHARMAKE.


DILKII WARIYE CALI IIMAAN SHARMA,ARKE

Cali iimaan Sharmaake Wuxuu Dhashay Sanadkii 1956 Wuxuu Ku barbaaray Somalia Ka Dib Dagaaladii Sokeeye Ee Qarxay Dalka Horaantii 1990 aadkii Wuxuu U Haajiray Dalka CANADA Kadib Wuxuu Noqday Muwaadin CANADIAN ah Oo Heysta Labo Dhalasho Cali Intii Uu Ku Noolaa Ottawa Wuxuu Shahaadada Mastarka Ee Maamulka Dadweynaha Ka Qaatay Jaamacada Carleton
Ee Isla Magaalada Ottawa Wuxuu Kaloo Bartay Cilmiga Siyaasada Iyo Dhaqaalaha Isagoo Isla Machadkaas Ka qaatay  Shahaadada Daraasaadka Sare Ee PhD-da.

Horaantii 1999 kii Ayuu Cali Dalka Dib Ugu Soo Noqday in kastoo Meelaha Qaar Lugu Sheego In Saaxiibadiis Lasocdeen Qorshahana Qeyb Ka ahaayeen Ahmed Abdi Salam Adan Iyo Mohamed Elmi Wuxuu Dib Ugu Soolaabtay Magaalada Muqdisho Ka Dib Markuu Muddo Daganaa Waxey Daaha Ka Qaadeen Qorshe Ay isla Wadeen Saaxiibadiis Ugu  Ugu Dhowaa Kaas Oo Ah Idaacadii HORN-AFRIK Furitaankeeda.

12-kii December 1999-kii Ayaa Si Rasmi AH LOO Daah Furay Warbaahintii HORN-AFRIK 
Idaacadu Waxey Eheed Mid Kamida Kuwa Ugu Horeeya Ilaha Wararka Laga Helo Soomaaliduna Dhageysato Dad Badan Oo Qiimo Lahaana Soo Saartay Wariyaal Goor Danbe Ka Sheekeeyay Ayaa Sheegay in HORN-AFRIK Eheed Goob WAX Lugu Barto Oo Ay Joogaan Maamulayaal Wanaagsan   umadana Sidii Ugu Qiimaha Badneed Ugu Adeegi Jiray Waana Hubanti In Cid Walba Oo Dhageysan Jirtay Ay Qirsantahay Taas Oo Daaha Ka Gadaal Ahaayeen Cali Iyo Saaxiibadiis Kuwa Ka Maamula Idaacadu Waxey Leheed Dhowr Qeybood Oo Kala Duwan Sida Idaacada Capital Voice iyo TV iyo Xarun Tababar.

Post a Comment

0 Comments